Thursday, September 24, 2026

Iiraan Oo Maanta Uga Digtay Dalalka Deriska la ah Inay Dhaqan-galiyaan Cunaqabataynta Maraykanka.

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Iiraan ayaa maanta markii u horreysay uga digtay dalalka deriska la ah inay la kulmi doonaan tallaabo aargoosi ah haddii ay dhaqan geliyaan cunaqabateyn cusub oo Mareykanku ku doonayo inuu cunaqabateyn hawada ah uu saaro Iiraan, oo lagu joojinayo duulimaadyada caalamiga ah ee shirkadaha diyaaradaha Iiraan iyo kuwa ka degaya garoommada Iiraan, sida ay baahisay Al Jazeera.

“Waxaan ugu baaqayaa dhammaan dalalka deriskeenna inaysan ku lug yeelan waxa Mareykanku wado. Tallaabadan Mareykanka waxay si dhakhso ah ugu dhammaan doontaa fashil,” ayuu Mohsen Rezaei, oo ah xoghayaha Golaha Sare ee Amniga Qaranka Iiraan, u sheegay warbaahinta dawladda Iiraan.

Maxay tahay digniinta Iiraan?

Mareykanku wuxuu cunaqabateyn saaray diyaaradaha iyo duulimaadyada caalamiga ah ee Iiraan, taasi waxay keentay dalalka badan oo daris la ah Iiraan iyo kuwa gobolka inay joojiyaan duulimaadyada Iiraan, waxaa u dambeeyay Turkiga , Ciraaq, Imaaraadka , Georgia iyo Azerbaijan oo shalay soo celisay diyaarad hawada ku jirtay oo ka duushay Tehran , kuna sii jeeday Azerbaijan, sabab la xiriirta dhaqangelinta cunaqabateynta Mareykanka.

Hadda, Iiraan waxay ku hanjabaysa haddii dalalku sii wadaan dhaqangelinta cunaqabateynta oo Iiraan go’doon hawada ah la galiyo, inaysan arrintu ku ekaan doonin keliya Iiraan ee dalalka kalana ay la kulmi karaan go’doomin hawada ah, taasoo ka dhalan karto Iiraan inay weerarto garoommada diyaaradaha iyo inay ku hanjabto diyaaradaha inay ku duulaan hawada dalalka khaliijka, Turkiga, Azerbaijan iyo dal kasta oo dhaqangeliya cunaqabateynta Mareykanka, taasoo ka dhigan inay Iiraan sheegayso haddii il laga rido inay labada indhood ka ridi doonto dalalka gobolka.

“Haddii dal uu la shaqeeyo ama uu tallaabooyin uu Mareykanku wado qaado, garoomadiisa diyaaradaha ma awoodi doonaan inay sii wadaan duulimaadyada taga Iran,” ayuu Rezaei ka sheegay telefishinka dawladda Iiraan. Wuxuu sheegay in Iran ay hubin doonto in garoomada dalalka joojiya duulimaadyada Iran aysan sii shaqayn karin.