Thursday, September 24, 2026

Xasan Sheekh Oo si Adag uga soo Horjeeday Talaabooyinka Lagu kala Go’ynayo Somaliya

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Xasan Sheekh. “Soomaaliya waxay si adag uga soo horjeedaa talaabooyinka lagu kala go’ynayo Somaliya taasoo wiiqaya midnimadeeda qaran iyo xuduudaheeda caalamku aqoonsan yahay.”

Madaxweynaha Soomaaliya waxa uu sheegay inuu si adag uga soo horjeedo talaabooyinka wax u dhimaya madax banaanida iyo xuduudaha Caalamku aqoonsan yahay ee Soomaaliya.

Intii uu Xasan Sheekh ka hadlayay gollaha guud ee Qaramada Midoobay wuxuu carrabka ku adkeeyay in ixtiraamka madax banaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya aysan ahayn oo keliya mabda’a aan la taaban karin oo Soomaaliya u yaal, balse ay tahay aasaaska nabada iyo xasiloonida gobolka iyo Caalamka.

Sidoo kale, Madaxweynaha Soomaaliya wuxuu sheegay in khilaafaadka u dhexeeya Wadamada ay tahay in lagu xaliyo wadda-xaajood iyadoo la raacayo sharciga caalamiga ah, halkii la qaadi lahaa talaabooyin abuuri kara xiisada cusub oo khatar gelin kara xasiloonida gobolka.