Friday, September 25, 2026

Turkiga Oo Markii u Horreysay ka Jawaabay Dhaleeceyn Uga Timid Heshiiskii Maka Ee Sacuudiga kula Jiro

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga, Hakan Fidan ayaa markii u horreysay ka jawaabay dhaleeceynta uu la kulmayo isbahaysiga Maka ee ay ku wada jiraan Sacuudiga, Pakistan iyo Turkiga, ka dib markii Sacuudiga oo isbahaysigan ka mid ah uu la kulmay weerarro ka yimid Xuutiyiinta Yemen,balse aysan wax falcelin ah sameyn labada dal ee isbahaysigan ku jira.

Ka hor jawaabtiisa, wuxuu la hadlay diblomaasiga iyo sarkaalkii hore ee ciidanka Mareykanka,James Jeffrey oo goobta fadhiyay,isagoo waydiiyay isbahaysiga NATO ee 70 sanno jira , inta mar ee la dhaqangeliyay qodobka 5 aad oo dhigaya difaaca wadajirka ah , markaa Jeffrey ayaa sheegay keliya hal mar oo ahayd markii uu dhacay weerarkii 11,Sebtembar 2001, xilligaa waxay ahayd markii uu dhacay weerarkii daaraha ganacsiga ee New York.

Hakan Fidan, wuxuu yiri; “Eeg caddaalad ma aha , qofna NATO ma yiraahdo waa isbahaysi aan waxba qaban karin ama shabeelkii warqada ahaa…Laakiin marka la sameeyay isbahaysi cusub oo difaac ah, waxaa isla markiiba loo eegayaa dhibaatada Yemen oo 10 sano soo socotay, kadibna waxaa la leeyahay: ‘Eega, isbahaysigan ma shaqaynayo.’

Annaga hadda ayaan bilownay, waqti ayaana loo baahan yahay