Friday, September 25, 2026

Imaaraadka Oo si Adag u Cambaareeyay Weerarrada Ay Kooxaha Hubaysan ku Hayaan Dawlada Itoobiya

by Heemaaln
0 minutes read
A+A-
Reset

Imaaraadka Carabta ayaa si adag u cambaareeyay weerarradii ugu dambeeyay ee TPLF iyo kooxaha hubeysan ee la safan ay ku qaadeen ciidamada Federalka Itoobiya.

Abu Dhabi ayaa waxay sheegtay in dhacdooyinkani ay khatar ku yihiin midnimada, madaxbannaanida iyo xasilloonida Itoobiya.

Imaaraadku waxay sheegen inay si buuxda u garab taagan yihiin dowladda dhexe ee Itoobiya, isla markaana ay kasoo horjeedaan isku day kasta oo lagu doonayo in xoog iyo qori caaradii loogu beddelo nidaamka dastuuriga ah ee Itoobiya.