Friday, September 25, 2026

Ilaalada Badhasaabka Gobolka Selel Oo Wiil Dhalinyaro ah ku Dhaawacay Magalada Boon.

by Heemaaln
0 minutes read
A+A-
Reset

Ciidanka Ilaalada Badhasaabka Gobolka Selel ayaa Hal wiil oo dhalinyaro ah ku dhaawacay Magaalada Boon.

Dhaawaca wiilkan ayaa hada lagu dabiibayaa Cisbitalka Boon, waxaana Dadka deegaanka ee gadoodsanaa ay gooyeen Wadooyinka ka baxa Boon sida wadada weeraar iyo Dhagaxa madaw.

Maamulkii Gobolka Selel iyo Taliyaha Qaybta Gobolka Selel ayaa ku Xaniban Xarunta Dawlada Hoose ee Degmada Boon, iyadoo coodamo Booliis ah laga diray magaalada Boorama si ay ugu gurmadaan Maamulka Gobolka Salal

Xaalada Magaalada Boon ayaa wali kacsan waxaana laga maqlayaa Dhawaqa Rasaasta.