Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa sheegay in Heshiiska Difaaca Wadajirka ah ee Mecca ee ay wada galeen Turkiga, Pakistan iyo Sacuudi Carabiya uusan ayan mid ka dhan ah Iran, Israel ama dal kale.
Erdogan ayaa sheegay in ujeeddada heshiisku tahay xoojinta amniga gobolka, awoodda ka-hortagga weerarrada iyo xasilloonida.
Isagoo wareysi siinayay Newsweek, Erdogan wuxuu diiday in heshiiska loo arko isbahaysi si gaar ah loogu abaabulay in lagula dagaallamo ama looga hortago Iran ama Israel.
Wuxuu sheegay in Turkigu muddo dheer taageerayay in dalalka gobolka ay door weyn ka qaataan xalinta dhibaatooyinka amni ee gobolka.
Erdogan wuxuu sidoo kale sheegay in heshiisku ku salaysan yahay xaqa is-difaaca ee Qodobka 51-aad ee Axdiga Qaramada Midoobay, isla markaana weerar hubaysan oo lagu qaado mid ka mid ah saddexda dal loo tixgelin doono weerar lagu qaaday dhammaantood.
Wuxuu intaas ku daray in jawaabta la bixinayo ay ku xirnaan doonto baahida iyo codsiga dalka la weeraray. Taageeradu waxay noqon kartaa sirdoon, saadka iyo rasaas, halka taageero militari oo ballaaran la bixin karo haddii khatartu weyn tahay
FG:Hadalka Recep Tayyip Erdoğan ayaa ku soo aadaya Xili taliyaasha Ciidmada Turkey, Pakistan iyo Saudiga ay ku shirayaan Saudi Arabia si looga jawaabo duqeymaha Xuutiyiinta ee Sacuudiga.
