Guutada Birjeex ee ciidamada Daraawiishta Jubbaland ee ka hawlgala deegaanka Buulo-xaaji oo dhawaan laga xoreeyay Al-shabaab ayaa soo bandhigay xubno ka tirsan Al-shabaab oo ku sugnaa deegaano hoostaga Buulo-Xaaji.
Howlgal qorsheysan oo ay halkaasi ka fuliyeen ayey ciidamadu sheegeen iney ku soo qabteen mootooyin sadex ah oo ay wateen raggan la soo xiray
Mootooyinka ay ciidamadu soo qabteen waxa ay ku soo qabteen oo isticmaalayay labo dagaalyahan oo Col. Cabdikaafi Dayib Talyaha Guutada Birjeex ee ciidamada Daraawiishta Dowladda Jubbaland oo si gaara ula hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ciidamadu ay ku raad joogaan xubno kale ooo xogtooda ay hayaan.
Dhanka kale Ciidamada Daraawiishta gaar ahaan Guutada Birjeex waxaa isku soo dhiibay afar ka mida Al-shabaab.