Saturday, September 26, 2026

Dalxiiseyaal Mareykan Iyo UK ah Oo ku Dhintay Qarax ka Dhacay Athens Ee Casimada Giriiga

by Heemaaln
3 minutes read
A+A-
Reset

Afar dalxiisayaal oo u dhashay dalka Maraykanka iyo lamaane waayeel ah oo kala ahaa nin u dhashay Boqortooyada Midowday ee UK iyo xaaskiisa oo Giriig ah ayaa lagu xaqiijiyey inay ku dhinteen qarax xooggan oo ka dhacay magaalada Athens ee caasimadda Giriigga.

Qaraxa ayaa ka dhacay xaafadda taariikhiga ah ee Plaka, oo ku taalla meel u dhow buurta Acropolis, waana mid ka mid ah goobaha ugu caansan ee ay dalxiisayaashu ku badan yihiin. Qaraxu wuxuu sababay in dhisme yar oo ku yaallay waddada Lysikratous uu dumay, iyadoo burbur iyo muraayado jajaban ay ku fideen waddooyinka ku dhow.

Wararka laga helayo Giriigga ayaa sheegaya in afarta Maraykanka ah ay ahaayeen laba lamaane oo ku sugnaa Athens dalxiis, waxaana ay deggenaayeen guri ay muddo gaaban kiraysteen oo ku yaallay dabaqa hoose ee dhismaha. Sida ay sheegeen warbaahinta Giriigga iyo ilo boolis, afarta qof waxay qorsheynayeen inay Jimcihii ka baxaan hoyga, kadibna ay raacaan diyaarad ka duuleysa garoonka diyaaradaha Athens, balse ma aysan gaarin garoonka.

Dhinaca kale, labada qof ee kale ee ku dhintay musiibadan ayaa ahaa nin British ah iyo xaaskiisa Giriigga ah, kuwaas oo ku noolaa dabaqa sare ee dhismaha. Wararka ayaa sheegaya in labada qof ay da’doodu ahayd 70-meeyada.

Qaraxu wuxuu dhacay qiyaastii 7:30 subaxnimo xilliga maxalliga ah ee Jimcihii, waxaana uu ahaa mid aad u xooggan oo sababay in dhismaha uu si weyn u dumay. Guryo iyo dhismayaal kale oo ku dhow ayaa waxyeello soo gaartay, waxaana burburay baabuurro waddada yaallay.

Laba haween ah oo ku sugnaa dhisme deris ah ayaa ay soo badbaadiyeen kooxaha gurmadka, waxaana loo qaaday isbitaallo si loo daaweeyo. Qof kale oo waddada marayay ayaa sidoo kale la sheegay inuu dhaawac fudud ka soo gaaray qaraxa.

Duqa magaalada Athens, Haris Doukas, ayaa sheegay in qaraxa ay u badan tahay inuu xiriir la leeyahay gaas baxsaday, inkastoo baaritaanka rasmiga ah ee sababta qaraxa uu weli socdo. Dad deegaanka ah ayaa sidoo kale sheegay in ka hor qaraxa laga dareemay ur gaas ah.

Kooxaha gurmadka ayaa goobta geeyay tobannaan dab-demis ah, gaadiid gaar ah oo burburka lagu baadho, eeyo tababaran iyo qalab lagu ogaan karo dadka ku hoos jira burburka. Qalabka kamaradaha iyo kuwa dareema dhawaaqa ayaa sidoo kale loo adeegsaday raadinta dadka ku hoos jiray dhismaha dumay.

Xaafadda Plaka waxay ku taallaa hoosta buurta Acropolis, oo ah goobta taariikhiga ah ee ugu caansan Athens, waxaana deegaanka ku badan hoteello, guryo dalxiis ahaan loo kireeyo, maqaayado iyo goobo ganacsi.

Qaraxa ayaa sidaas darteed walaac weyn ka dhaliyay amniga dhismayaasha iyo xarumaha dalxiiska ee ku yaalla bartamaha Athens, iyadoo dhismayaal iyo goobo ganacsi oo ku dhow goobta qaraxa loo daadgureeyay sababo la xiriira khatarta burbur kale.

Baaritaanka ay wadaan ciidamada dab-damiska iyo booliska Giriigga ayaa diiradda lagu saarayaa sidii loo xaqiijin lahaa halka uu gaasku ka soo baxay iyo waxa sababay in uu qarxo. Mas’uuliyiinta ayaa weli baaraya dhammaan xaaladaha la xiriira musiibada, inkastoo gaas-baxu yahay sababta ugu weyn ee hadda la tuhunsan yahay.

Ilaa hadda, lix qof ayaa si rasmi ah loogu xaqiijiyey inay ku dhinteen qaraxa, kuwaas oo kala ah afar Maraykan ah, nin British ah iyo haweeney Giriig ah.