Tuesday, September 29, 2026

Diyaarad Qaada Nukliyeerka Ee Ruushka oo Burburtay Xili ay ku Jirtay Dhoolatus

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Warbaahinta dowladda Ruushka oo soo xiganeysa Wasaaradda Difaaca ayaa sheegtay in diyaaradda Tu-95 oo ah Diyaarada qaada bambooyinka Nukliyeerka ay burburtay xilli ay ku jirtay duulimaad tababar ah, iyadoo ku sugnayd dhul aan dadku deggenayn oo ka tirsan gobolka Amur, kaas oo xuduud la leh Shiinaha.

Inta la xaqeejiyay 6 qof ayaa ku geeriyootay, Muuqaallo aan si madax-bannaan loo xaqiijin oo baraha bulshada lagu faafiyay ayaa u muuqday kuwo muujinaya qiiq badan oo ka kacaya diyaaradda gubanaysa.

Waa maxay Tu-95?
Tupolev Tu-95 waa diyaarad weyn oo istiraatiiji ah oo xilligii Midowgii Soofiyeeti la sameeyay. Waxay awood u leedahay inay qaaddo, riddo hubka nukliyeerka.

Markii ugu horreysay waxaa la duuliyay 1952, waxaana adeegga milatari lagu daray 1956. Diyaaraddu weli waxay ka mid tahay diyaaradaha ay isticmaalaan ciidamada Ruushka, gaar ahaan duullimaadyada iyo tababarrada milatari.

Tani ma aha markii ugu horreysay oo diyaarad ku burburto bariga fog ee Ruushka. Bishii Luulyo ee sannadkii hore, diyaarad Antonov An-24 ah ayaa ku burburtay cimilo xun iyadoo ku sii jeeday magaalada Tynda, waxaana ku dhintay dhammaan 48 qof oo saarnaa.