Wednesday, September 30, 2026

Wasiirka Amniga Israa’iil Oo Mar kale soo Jeediyay Hadalo Muran-dhaliyay Oo Dhinaca Daanta Galbeed ee la Haysto ah.

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Wasiirka Amniga ee Israa’iil, Itamar Ben-Gvir, ayaa mar kale jeediyay hadallo muran dhaliyay oo ku saabsan mustaqbalka Daanta Galbeed ee la haysto, isagoo muujiyay hankiisa siyaasadeed ee ku aaddan in la ballaariyo maamulka Israa’iil ee dhulkaas.

Ben-Gvir ayaa sheegay in haddii uu noqdo Wasiirka Difaaca, uu meesha ka saari doono kala qaybsanaanta dhulka ee u dhexeysa Meelaha (Areas) A, B, iyo C ee Daanta Galbeed, isagoo ku dooday in dhulalkaasi oo dhan ay yihiin kuwo Israa’iil leedahay.

Wuxuu ku baaqay in la dhiso degmooyin cusub oo YH-DA degto ah, isagoo sheegay inay tahay in dadka halkaas lagu dhiirrigeliyo inay dhistaan.

Waxa uu si cad u taageeray waxa uu ugu yeeray “dhiirrigelinta tahriibka ikhtiyaariga ah” (voluntary immigration), isagoo ku dooday inay jiraan dad badan oo reer Falastiini ah oo raba inay u guuraan dalal kale.

Wuxuu ku celceliyay in dhulku yahay gurigooda, isagoo yiri: “Halkan waa gurigeenna; halkan ayaan joognay weligeen, halkan ayaan joogi doonnaa weligeen”.