Madaxweynaha Masar Abdel Fattah El-Sisi ayaa maanta la kulmay Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki, Kulankaasi wuxuu dib u xaqiijiyay taageerada buuxda ee Qaahira u hayso amniga, madaxbannaanida iyo midnimada dhuleed ee Eritrea, iyadoo xiisadaha gobolka ay sii kordhayaan.
Labada hoggaamiye ayaa ka wada hadlay xaaladaha ka taagan gobolka, iyagoo si gaar ah diiradda u saaray Geeska Afrika. El-Sisi wuxuu sheegay in Masar si cad uga soo horjeeddo wax kasta oo ku xadgudbaya madaxbannaanida ama midnimada dhuleed ee dal, isagoo tilmaamay in falalka noocaas ahi ay jebinayaan sharciga caalamiga ah iyo Axdiga Aasaasiga ah ee Midowga Afrika.
Kulanka gaarka ah Kadib Maalinta berito ah Waxaa kulmaya Hogaamiyaasha masar, Sudan, Somalia iyo Eritrea si looga wada hadlo amniga Gobolka
