Ra’iisul Wasaaraha Kanada ayaa markii ugu horreysay booqanaya Turkiga, iyadoo Ottawa ay doonayso inay yareyso ku-tiirsanaanta Mareykanka.
Ra’iisul Wasaaraha Kanada, Mark Carney, ayaa la filayaa inuu dhammaadka bishan u safro Turkiga, halkaas oo uu wadahadallo kula yeelan doono Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan. Ottawa ayaa doonaysa inay yareyso ku-tiirsanaanta Mareykanka, sida ay Reuters sheegtay.
Mid ka mid ah ilo xog-ogaal u ah arrinta ayaa sheegay in wada-hadallada labada hoggaamiye ay ka mid noqon karaan wada-xaajoodyada heshiiska ganacsiga xorta ah, kaas oo ay bilaabeen shirkii NATO ee Ankara bishii Luulyo, iyo sidoo kale iskaashi dhinacyada tamarta iyo difaaca.
Ma jiro ra’iisul wasaare Kanada ah oo booqasho rasmi ah oo gaar ah ku tagay Turkiga dhowr iyo tobankii sano ee u dambeeyay. Kulamadii hore ee Erdoğan iyo madaxda Kanada waxay badanaa ka dhici jireen shirar caalami ah, sida shirarka NATO iyo G20.
Tan iyo markii wada-hadalladii ganacsi ee Kanada iyo Mareykanka ay burbureen bishii Agoosto, Kanada waxay wadday dadaallo ay ku yareynayso ku-tiirsanaanta Mareykanka, oo ah saaxiibka ganacsi ee ugu weyn Kanada. Xiriirka ganacsi ee labada dal ayaa sii xumaaday, iyadoo ay jiraan canshuuraha ganacsiga ee Mareykanka iyo hanjabaado la xiriira in Canada ay noqoto Gobol katirsan mareykanka.
Arrintan waxay ku soo beegmaysaa xilli Kanada iyo Midowga Yurub (EU) ay diyaarinayaan inay ku dhawaaqaan iskaashi ballaaran oo cusub, kaas oo lagu soo bandhigayo shir ka dhacaya Montreal 29-ka Oktoobar.
