Pakistan oo Qaaday Meydadka Saddex Badmaax oo Looga Dilay Xeebaha Puntland

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Diyaarad gaar ah oo sidday meydadka saddex badmaax oo Pakistani ah iyo afar shaqaale ah oo ku dhaawacmay markabka MT Honour 25, ayaa goordhow ka degtay garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Jinnah ee magaalada Karachi.

Magacyada badmaaxiyiinta ku dhintay howlgalka lagu soo badbaadiyay Markabka ayaa kala ah; Rafiullah Khan, Syed Kashif Umer iyo Mahmood Ahmad Ansari, halka Shaqaalaha dhaawacmay ay kala yihiin; Usman Ghani, Aqeel Khan, Ameen bin Shams iyo Yasir Khan.

Puntland ayaa sheegatay iney gacanta ku dhigtay 16 burcad-badeed ah, intii howlgalku socday, sidoo kale Shan ka mid ah shaqaalihii markabka ayaa lagu dilay dagaalka, kuwaas oo ay ku jireen saddex-dan Pakistaniga ah.

Markabka wuxuu sitay calanka Palau, waxeyna burcad-badeeddu qabsadeen 21-kii Abriil, xilli uu ku sugnaa qiyaastii 30 mayl-badeed meel u jirta xeebaha Puntland. Markabka waxaa saarnaa 17 shaqaale ah oo ay ku jireen 10 Pakistani ah.