Iiraan Oo Sheegtay in Marinka Hormuz Dib loo Furi-doonin ilaa Laga fuliyo Toddobo Shuruudood

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iiraan, Abbas Araqchi, ayaa Axaddii ku adkaystay in aysan jirin xal militari oo ay Maraykanku ka gaari karaan Iiraan, iyadoo wadahadalladii u dhexeeyay labada dhinac ay u muuqdaan kuwo fashilmay oo aan wax natiijo ah laga gaarin.

Araghchi ayaa yiri: “Haddii cadowgeennu ay mar kale doortaan waddada iska horimaadka milateri, jawaabteennu waxay noqon doontaa mid ka xooggan tii hore… Ma jirto xal milateri, mana jiro xal ku salaysan cunaqabatayn cusub… Ma jirto wax aan ka ahayn wadahadallo ku salaysan caddaalad iyo sinnaan.”

Araghchi ayaa tilmaamay in dalkiisu ay “si dhab ah uga go’an tahay helitaanka xalalka diblomaasiyadeed,” isagoo isla markaana carrabka ku adkeeyay in ay “si dhab ah uga go’an tahay difaaca naftiisa.”

Dhanka kale, Afhayeenka Baarlamaanka Iiraan, Mohammad Baqer Qalibaf, ayaa sheegay in Mareykanku uu dhawaan soo jeediyay talooyin iyada oo loo marayo dhexdhexaadiyaal, isagoo intaas ku daray inay tahay in Washington ay garwaaqsato in “xilligii waqtiga la luminayay iyo in si kali-talin ah shuruudo lagu soo rogi jiray uu dhammaaday.”

Qalibaf, sida ay soo xigatay shabakadda Iiraan ee Nour News, ayaa sheegay in mowqifka dalkiisu uu yahay mid “cad oo aad u adag,” isla markaana aan la furi doonin marinka Hormuz ilaa laga fuliyo toddobo shuruudood oo uu sheegay inay Tehran dejisay iyadoo la raacayo heshiis-fahamkii Islamabad.