Mareykanka ayaa mar kale diiday codsi uu Sacuudiga u gudbiyay oo la xiriira diyaaradaha Mareykanka inay duqeeyaan goobaha Xuutiyiinya ee gudaha Yemen.
Wasiirka difaaca Sacuudiga, Amiir Khalid bin Salman oo la xiriiray xoghayaha difaaca Mareykanka, Pete Hegseth, ayaa ka codsaday inuu Mareykanka duqeymo cirka ah ka fuliyo Yemen, balse dalabkaa ayaa si cad loo diiday, sida ay baahisay warbaahinta ku dhow Aqalka Cad ee Axios.
Warbixintan ayaa sidoo kale lagu sheegay in taliska dhexe ee ciidamada Maraykanka CENTCOM uu ka soo horjeeday in la qaado duqeymo ka dhan ah Xuutiyiinta, iyagoo u arka in dagaalka Yemen uu ka jeedin karo dagaalka uu hadda Mareykanku xoogga saarayo ee Iiraan.
