Sacuudiga,Pakistan iyo Turkiga ayaa kulan waxyar ka hor soo dhammaaday isku raacay in la dhaqangeliyo heshiiska difaaca wadajirka ah ee Maka, kaasoo dhigaya saddexdan dal inay si wadajir ah dagaal u galaan ,iskuna difaacaan, xilli Sacuudiga uu ku jiro dagaal ka dhan Xuutiyiinta oo awoodiisa militari oo dhan uu u adeegsanayo.
War-murtiyeed ay soo saareen saddexda dal, ka dib kulan degdeg ah oo ay saacado ka hor yeesheen wasiirrada difaaca iyo arrimaha dibadda oo ay weheliyaan saraakiil militari ayaa lagu sheegay inay si cad u diidan yihiin weerar kasta ama hanjabaad kasta oo lagu waxyeelleynayo amniga iyo dhulka Sacuudiga.
Kulanka markii soo dhammaaday waxaa la go’aamiyay in si degdeg ah loo bilaabo fulinta heshiiska difaaca wadajirka ah, lana qaado tallaabooyinka lagu diyaarinayo ciidamada iyo awoodaha militari oo la isku raacay, si si dhaqso ah in loo geeyo Sacuudiga, sida uu xaqiijiyay wasiirka difaaca Sacuudiga, Khalid Bin Salman.
Saddexda dal waxay sidoo kale xaqiijiyeen in amniga mid kasta oo ka mid ah dalalkaas uu qayb muhiim ah ka yahay amniga wadajirka ah ee saddexda dal.
