Siyaasiga caanka ah ee Jawhar Maxamed ayaa ka hadlay ciidanka Tigray ee dagaalka kula jira Ciidanka Itoobiya, isagoo quus ka muujiyay ciidanka Tigrey iyo guul-darooyinka soo wajahay ciidankaasi.
“Diyaar-garow fiican kama muuqanin, ciidanka jabhada Tigrey ee TPLF mana aha ciidanki hore, waayo dagaalkii hore mooraalka ciidankoodu wuu fiicnaa, haddase niyad ay ku dagaalamaan ma hayaan.”
Jawhar Maxamed ayaa intaasi ku day:-“Dagaalkii hore iyagoo maxaabiis ahaan loo qabanayo maad arkeyn, naftey hurayaan, waxaa ku wayneyd qoomi-nimada, haddase furimaha dagaalka iyagaa isasoo dhiibaya.”
“Waan fileynay guuldarada TPLF, laakin guul daro sida u degdeg badan maan fileyn, waxa keliya ee u qabsoomay waa in ay ciidankoodii furimaha ku qaybsami lahaa ay ururiyeen una dhaweeyeen xuduudka Eritrea.” ayuu hadalka kusoo koobay siyaasiga mucaaridka dibad-jooga ah ee Jawhar Maxamed.
