Tuesday, October 6, 2026

Maxkamadda Dambiyada Ee Caalmiga ah oo Saartay Amaro lagu Xirayo Ragga ugu Sarreeya Taliban

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada (ICC) ayaa soo saartay faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan amarada xariga ee ay sanadkii hore ka soo saartay hoggaamiyaha Taliban Haibatullah Akhundzada iyo madaxa Maxkamadda Sare ee dowladda Taliban, Abdul Hakim Haqqani.

Qoraalka buuxa ee amaradan ayaa ilaa hadda ahaa mid qarsoodi ah, balse maalintii Isniinta, maxkamadda caalamiga ah ayaa shaacisay natiijooyinka garsoorayaashii soo saaray amaradaas.

Dhanka kale, Zabihullah Mujahid, oo ah afhayeenka dowladda Taliban ee Afghanistan, ayaa cambaareeyay tallaabadan isagoo adeegsanaya barta bulshada ee X, wuxuuna ku sheegay jawaabtiisa ku aaddan go’aankan inaysan aqoonsanayn “Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada” isla markaana aysan qiimo u lahayn mowqifkeeda.

Mudane Mujahid ayaa hadalkiisa ku daray: “Alle mahaddii, hoggaamiyeyaasha Imaaradda Islaamiga ah ee Afghanistan ma aysan sameyn wax u qalma in lagu xiro ama lagu ciqaabo. Arrin kale oo muhiim ah ayaa ah inaan ku dhaqanno xukunnada Sharciga Islaamka, ee aysan noo talin hay’adaha sirdoonka iyo waxa loogu yeero maxkamadaha.”

Bayaankii ugu dambeeyay ee ICC ayaa lagu yiri: “Qeybta Labaad ee Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada (oo qaabilsan marxaladda ka horreysa dacwadda) ayaa go’aansatay inay shaaciso afar amar oo xarig ah oo la soo saaray 8-dii July iyo 9-kii Sebtembar, 2025, kuwaas oo la xiriira kiiska Afghanistan. Amaradan ayaa laga soo saaray Haibatullah Akhundzada, Abdul Hakim Haqqani, Habibullah Agha iyo Nida Mohammad Nadeem. Jiritaanka labada amar ee ugu horreeyay ayaa horay loo shaaciyay 8-dii July, 2025.”