Qatar oo door ka qaadanaysa dadaallada dhexdhexaadinta ee u dhexeeya Iran iyo Mareykanka ayaa Talaadadii sheegtay in wadahadallada labada dal ee lagu soo afjarayo dagaalka Bariga Dhexe ay weli socdaan, inkastoo toddobo bilood kaddib markii dagaalku billowday, wadahadalladu ay u muuqdaan inay gaareen meel aan wax horumar ah laga samayn karin.
Ibrahim Al-Hashimi, oo ah mas’uul ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda Qatar, ayaa shir jaraa’id oo toddobaadle ah kuy sheegay in wadahadallada aan tooska ahayn ay tixgelinayaan “walaacyada dhinacyada kala duwan.”
“Waxaan xaqiijin karaa in wada-xaajoodyadu ay socdaan, isla markaana is-dhaafsiga farriimaha ee u dhexeeya dhinacyada kala duwan, iyadoo loo marayo Qatar iyo saaxiibbadeeda gobolka, uu weli socdo,” ayuu yiri.
Mas’uulka Qatar ayaa intaas ku daray in baaxadda dagaalka iyo khasaaraha culus ee dunidu ka bixinayso ay u baahan yihiin in dhammaan dadaallada la isugu geeyo sidii si degdeg ah loogu soo afjari lahaa dagaalka, iyadoo loo marayo xal wadahadal lagu gaaro.
Sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay Qatar, Amiirka dalka, Sheikh Tamim bin Hamad Al Thani, ayaa sidoo kale Talaadadii magaalada Doha kula kulmay wasiirka arrimaha gudaha Iran, Eskandar Momeni.
Inkasta oo xabbad-joojin la gaaray bishii Abriil, is-afgarad la saxiixay bishii Juun, iyo wadahadallo bishii hore ka dhacay kulamada Golaha Guud ee Qaramada Midoobay, haddana Washington iyo Tehran waxay weli isku khilaafsan yihiin arrinta istiraatiijiga ah ee Marin-biyoodka Hormuz.
