Thursday, October 8, 2026

Dowlada Somaliya oo Guddi Heer Wasiirro ah u Saartay ka Hortagga Ebola

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Dowladda Soomaaliya ayaa xoojisay diyaar-garowga ay ugu jirto ka hortagga cudurka Ebola, iyadoo Golaha Wasiirradu ansixiyay qorshe heer qaran ah oo looga hortagayo in cudurka uu soo gaaro dalka.

Qorshahan ayaa yimid xilli Soomaaliya ay kordhisay baaritaanka iyo la socodka dadka dalka soo galaya, gaar ahaan rakaabka ka imaanaya dalalka Afrika, kaddib markii kiis Ebola ah laga xaqiijiyay dalka Kenya.

Golaha Wasiirrada ayaa go’aamiyay in guddi ka kooban lix wasaaradood loo xil saaro diyaar-garowga iyo ka hortagga cudurka. Guddiga waxaa guddoominaya Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka labaad Jibriil Xaaji Cabdi, waxaana xubno ka ah Wasaaradaha Caafimaadka, Amniga, Arrimaha Dibedda, Gaadiidka, Warfaafinta iyo Xannaanada Xoolaha.

Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ayaa Golaha Wasiirrada ka hor jeedisay warbixin ku saabsan xaaladda Ebola iyo tallaabooyinka looga baahan yahay dowladda si looga hortago faafitaanka cudurka haddii uu dalka soo gaaro.

Go’aanka dowladda ayaa sidoo kale qayb ka ah dadaallada lagu xoojinayo awoodda dalka ee ka jawaabista cudurrada faafa, iyadoo la isku dubbaridayo shaqada hay’adaha dowladda ee ku lugta leh caafimaadka, amniga, gaadiidka iyo wacyigelinta bulshada.

Kulanka Golaha Wasiirrada, oo uu guddoomiyay Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa sidoo kale looga hadlay arrimo ay ka mid yihiin doorashooyinka, faa’iidooyinka Soomaaliya ka heshay xubinnimada Bulshada Bariga Afrika iyo geeddi-socodka ku biirista Ururka Ganacsiga Adduunka.