Tuesday, October 13, 2026

Trump oo Sheegay in Somaliland iyo Somaliya yihiin laba Dal oo Daris ah

by Heemaaln
2 minutes read
A+A-
Reset

Madaxweynaha Maraykanka, Donald J. Trump, ayaa sheegay in Somaliland iyo Soomaaliya ay yihiin laba dal oo gebi ahaanba kala duwan, isaga oo sheegay in hadalkiisa ku saabsan Soomaalida iyo dhibaatooyinka uu sheegay inay ku hayaan Maraykanka aanu Somaliland ula jeedin.

Trump ayaa hadalkiisa ku xusay magaca “Somalia-land”, isaga oo sheegay in aanu ula jeedin Somaliland, isaga oo sheegay in uu Somaliland u arko waddan gebi ahaanba ka duwan Soomaaliya. Waxa uu sidoo kale xusay in dadka qaarkood ay u qaadan karaan marka uu Somalia-land leeyahay in uu u jeedo Somaliland lakiin anay jirin wax iska galay Somaliland iyo Soomaaliya.

“Waxa aan ugu yeedhaa Somalia-land, Somaliland maaha, waayo Somaliland waa waddan gebi ahaanba ka duwan. Dadka qaar ayaa jecel Somaliland, marka uma jeedo. Somaliland iyo Soomaaliya waxba iskama galin. Waxaan filayaa inay fiicnaan lahayd in Somaliland ay magaceeda si dhakhso ah u beddesho,” ayuu yidhi Trump.

Madaxtooyada Somaliland ayaa qoraal ay soo saartay ku soo dhawaysay hadalka Trump, iyada oo sheegtay in hadalkiisu xoojinayo aqoonsiga gaarka ah ee Somaliland iyo xaqiiqada siyaasadeed ee ay kaga duwan tahay Soomaaliya, sida qoraalka lagu sheegay.

“Jamhuuriyadda Somaliland waxay ku adkaysanaysaa dadaalkeeda ku aaddan helitaanka aqoonsi caalami ah, iyada oo adeegsanaysa diblomaasiyad ku dhisan mabda’a iyo xidhiidh wax-ku-ool ah oo ay la yeelato beesha caalamka,” ayaa lagu yidhi qoraalka Madaxtooyada Somaliland.

Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ayaa dhawaan safar ku tagay dalka Maraykanka, isaga oo halkaas ka waday olole diblomaasiyadeed oo uu ku raadinayay aqoonsi caalami ah. Safarkiisa oo uu ku tegay Washington, D.C., iyo meelo kale waxa uu kulamo kula yeeshay mas’uuliyiin iyo siyaasiyiin Maraykan ah, kuwaas oo uu kala hadlay xidhiidhka Somaliland iyo Maraykanka iyo sidii loo xoojin lahaa taageerada aqoonsiga Somaliland.

Madaxweynaha, Cirro, ayaa madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump, ugu baaqay inuu aqoonsado Somaliland, isaga oo sheegay in tallaabadaasi taariikh cusub u furi karto hoggaamiyaha Maraykanka. Cirro ayaa hadalkan ku sheegay waraysi gaar ah oo uu siiyey warbaahinta Breitbart News oo Isniintii la baahiyay.