Heemaal News Network

Ciidamada ATMIS oo gowracay Saddex wiil oo Soomaali ah

Wararka ka imaanaya deegaanka Buulomareer ee gobolka Shabeelaha Hoose, ayaa sheegaya in halkaasi ciidamo katirsan howlgalka nabbad ilaalinta ee ATMIS, si arxandarro ah ugu dileen dhallinyaro Soomaaliyeed oo beeraley aheyd.

Ciidamada ATMIS oo socod ku jiray ayaa la sheegay in galeen beer ku taallay deegaanka Buulamareer, waxaana la sheegay in beertaasi ku dhax gowraceen saddex nin oo la sheegay in ay ku sugnaayeen beerta loogu galay.

Wararka aan helnay ayaa sidoo kale sheegaya in ciidamada ATIMIS si xun u ciqaabeen una jirdileen nin kale oo oday ahaa oo isna isbitaal loola cararay isaga oo xaalad adag ku jira, ilaa haddana lama oga sababta ay ciidamada ATMIS dadkan shacabka ah sidaas ugu dileen.

Maamulka Koonfur Galbeed iyo dowladda Federaalka ayaan ilaa hadda ka hadlin falkan argagaxa leh ee ciidamada ATMIS u geesteen muwaadiniinta Soomaaliyeed, waxaana dibadbaxyo caro watay dad shacab ah ka dhigeen gudaha deegaanka Buulomareer.

Ciidamada ATMIS ayaa marar badan dad shacab ah siyaabo kala duwan ugu dilay gobolka Shabeelaha Hoose, mana jiraan tallaabooyin muuqda oo ay qaaday dowladda Soomaaliya oo masuul ka ah shacabka sida gardarada ah loo dilayo.