Hay’adda sirdoonka gudaha ee Britain, MI5, ayaa ka digtay in argagixisada garabka midig ee xagjirka ahi ay sii kordhayso khatarteedu. Hay’addu waxay sheegtay in gaar ahaan dhallinyaro ay qorsheeyeen weerarro lagu qaado masaajidda iyo goobaha la xiriira socdaalka.
Madaxa hay’adda, Ken McCallum, ayaa arrintan ka hadlay khudbaddiisa sannadlaha ah, isaga oo faahfaahin ka bixiyay caqabadaha kala duwan ee khatarta ku ah amniga Britain iyo kan caalamka.
Waxa uu sheegay in argagixisadu ay durba adeegsanayso garaadka macmalka ah (AI), isla markaana ay suuragal tahay in tiknoolajiyaddan ay kooxahaasi u adeegsadaan horumarinta hubka bayoolojiga ah.
Waxa kale oo uu ka digay khataraha uga imanaya dowladaha shisheeye, Sir Ken McCallum ayaa sheegay in khataraha uga imanaya cadowga shisheeye ay afar jibbaarmeen tobankii sano ee la soo dhaafay. Waxa uu Ruushka ku tilmaamay “cadowga ugu weyn ee gardarrada wada”, isaga oo sidoo kale xusay kororka falalka gardarrada ah ee lala xiriirinayo Iiraan, kuwaas oo lagu bartilmaameedsanayo goobaha Yuhuudda iyo saldhigyada milatari.
