Thursday, October 15, 2026

Booliska Britain Oo Xabsiga dhigay Nin Nataniyahu ka Dalbaday In la Bur-buriyo Qaasa..

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Booliiska London ayaa xabsiga u taxaabay nin baraha bulshada ku faafiyey muuqaal uu Nethyaahu kaga codsanayo in uu duqeeyo guri dabaq ah oo keligiis kasoo hadhay magaalada la dumiyey ee Qaasa.

Xarigga Harman Singh Kapoor, oo ahaa milkiilaha makhaayad Hindiya ah oo ku taalla London, ayaa yimid ka dib markii uu si cad ugu baaqay Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, inuu “burburiyo guri kasta” oo ku yaalla Gaza.

Arintan ayaa dhalisay caro baahsan iyo inay Makhaayaddiisu la kulantay cadaadis uga yimid bulshada Britain, iyadoo dhalinyarada reer London ay bilaabeen in ay weeraraan maqaayada.

Hay’adaha amniga ee UK ayaa caadi ahaan si adag u tacaala hadallada lagu dhiirigeliyo rabshadaha iyo nacaybka, waxaana la rumeysan yahay in xariggiisu la xiriiro jebinta sharciyada la dagaallanka nacaybka iyo kicin-dadweynaha ee dalkaas.