Dawladda Iiraan ayaa shaaca ka qaaday inay doonayso in la soo afjaro colaadda u dhaxeysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta Yemen, sida uu sheegay xoghayaha golaha amniga Iiraan,Mohsen Rezaee oo xaqiijiyay inuu aaminsanyahay Xuutiyiinta inaysan dooneyn dagaalka ay kula jiraan Sacuudiga in la soo afjaro oo heshiis la aado, sida ay werisey Al Jazeera.
Xuutiyiinta waxay fahansanyihiin inay joogaan , meel ay u baahanyihiin inay galaan wada-hadal, sabab la xiriirta Xuutiyiinta waxay joogaan meel ay u arkaan inay ku gorgortami karaan oo xilli walba ay cadaadis ku dhalin karaa,sabab la xiriirta inay saameyn ku leeyihiin marin-biyoodka Bab al-Mandab, halka Sacuudiga uu joogo meel ay gacantiisa ka maqanyihiin marinada iyo dhulalkii istaraatijiga ahaa ee Yemen
