Dawlada Qatar ayaa gaarsiisay Mareykanka, shuruudaha Iiraan ay ku aqbalayso in la joojiyo dagaalka, ka dib markii Qatar iyo Pakistan ay billaabeen dhex dhexaadin lagu joojinayo dagaalka,iyadoo hadda la sugayo jawaabta Trump.
Xoghayaha Golaha Ammaanka Qaranka Iiraan, Mohsen Rezaee ayaa sida ay Al Jazeera baahisay wuxuu yiri;
“Wadahadallada iyo la-tashiyada dhexmaraya dhex-dhexaadiyeyaasha Qatar iyo Pakistan ayaa weli socda, waxaana u sheegnay shuruudaheena ku aaddan wada-xaajoodka.Waxaan xiriir la leenahay dhex-dhexaadiyaha Qatar, kaas oo Washington gaarsiiyay shuruudaheena si loo joojiyo dagaalka. Hadda waxaan sugaynaa jawaabta Trump.
Wuxuu intaa ku daray; “Shuruudaheennu waa, in dagaalka laga joojiyo dhammaan jihooyinka,in la sii daayo lacagaha Iiraan ee la xayiray, iyo in la joojiyo xannibaadda badda.”

Screenshot
