Heemaal News Network

Xamaas Oo la soo Baxday Xeelad Cusub Oo ka Nixisay Israel

Xamaas ayaa isbedel ku sameeysay howlgalladooda ka dhanka ah ciidamada Israel ee ku sugan Gaza.

Halkii ay horey hal taangi ama tiro askar ah beegsan jireen hadda waxay adeegsanayaan xeelad ka halis badan oo ah in dhexda loo galo kolonyo dhan oo gaadiid iyo ciidankii la socday oo si joogto ah loo beegsanayo

Xeelad ancusub ayaa sare u qaadaysa khasaaraha gaadiidka iyo askarta ee gaaraya Israa’iil, si ay u aarsatanna waa sababta dhimashada badan ee rayidka Qasa aad loo maqlayo maalmahan.

Ugu yaraan 110 qof ayaa lagu dilay duqeymaha ay Israa’iil ka geysatay Qasa 24-kii saac ee ugu dambeeyay, sida lagu sheegay warbixintii ugu dambeysay ee ay soo saareen saraakiisha caafimaadka.

Dhinaca kale, Mareykanka ayaa sheegay inay kooxda Daacish iskudayayso inay dib usoo nooleyso awoodeeda dalalka Ciraaq iyo Suuriya, kaddib markii ay labo jibbaartay weerarrada ay ka geysanayso dalalkaa 6 bilood ee ugu horreysay sannadkan, iyadoo warbixinta ay sheegtay 153 weerar inay Daacish ka geysatay Ciraaq iyo Suuriya lixda bil ee sannadkan u horreysay.