Thursday, October 15, 2026

Maraykanka Oo Qorsheynaya In Bamka ugu wayn Aduunka Lagu Weeraro Iran

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

CNN oo soo xiganaya dhowr sarkaal oo Maraykan ah ayaa shaaciyay, in milatariga Maraykanka uu diyaariyey qorshayaal cusub oo ku saabsan weerarro lagu qaado Iran.

Qorshayaashan waxaa ka mid ah suurtagalnimada in la adeegsado bamka ugu wayn aduunka ee loo yaqaan “Hooyada Bambooyinka”kaas oo lagu beegsan karo xarumaha tamarta iyo goobaha nukliyeerka ee Iran.

Sida lagu sheegay warbixinta, haddii madaxweynaha Maraykanka Donald Trump uu amro in dib loo bilaabo hawlgallada milatari, ka hor ama ka dib doorashooyinka dhexe ee Kongareeska, adeegsiga bamka GBU-43/B, oo ah bamka aan nukliyeerka ahayn ee ugu weyn kaydka hubka Maraykanka, wuxuu noqon karaa mid ka mid ah xulashooyinka la tixgelinayo.

Ilo xog-ogaal u ah arrintan ayaa CNN u sheegay in shaki laga qabo waxtarka bamkan ee burburinta xarumaha nukliyeerka ee Iran ee ku yaalla dhulka hoostiisa. Waxay intaa ku dareen in adeegsigiisa suuragalka ahi uu yeelan karo saameyn nafsiyeed oo ka weyn awooddiisa wax-ku-oolka ah. Inkasta oo uu leeyahay awood burburin oo aad u weyn, bamkan looma qaabayn inuu si qoto dheer u dhexgalo dhulka.

Warbixintan ayaa soo baxaysa xilli Trump uu wajahayo cadaadis ah inuu soo afjaro dagaalka Iran, iyadoo aanay muuqan calaamado muujinaya in Tehran iyo Washington ay ku sii dhowaanayaan heshiis.

Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa iyaduna baahisay warbixinta CNN, balse waxay sheegtay inaysan si madax-bannaan u xaqiijin karin xogta la soo bandhigay.

Wasaaradda difaaca Maraykanka ee Pentagon-ka ayaa bishii Abriil 2017 ku dhawaaqday inay adeegsatay bamkeeda aan nukliyeerka ahayn ee ugu weyn hawlgal ka dhan ahaa fariisimaha kooxda Daacish ee gobolka Nangarhar ee dalka Afghanistan.