Thursday, October 15, 2026

Dalalka Carabta Turkiga, Iiraan Oo Iskaga Baxay Khudbadii Madaxwaynaha Israel ka Jeedinayay Shirka CICA

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Dalalka Turkiga, Iiraan, Kuwait, Pakistan iyo Maamulka Falastiin ayaa maanta isaga baxay shirka CICA ee ka socda magaalada Baku ee dalka Azerbaijan, markii uu khudbadiisa billaabay madaxweynaha Israa’iil, Isaac Herzog oo shirka ka qaybgalay, sida laga arkay muuqaalka ay warbaahinta shirka ka baahisay.

CICA waa madal caalami ah oo ay ku kulmaan dalalka Aasiya si ay uga wada hadlaan nabadda, amniga, xasilloonida iyo iskaashiga. Waxaa hindisaheeda soo jeediyay Kazakhstan sannadkii 1992, iyadoo tan iyo xilligaa afartii sanaba mar ayaa la qabanayay.