4
Dawlada Itoobiya ayaa safiirada iyo beesha caalamka ee AdisAbaba ku sugan u soo Bandhigtay hub lagu qabtay dagaalka ka socda Waqooyi dalkaasi, iyadoo beesha caalamka la tusayay Hubkan dalalka soo saara, iyo Dekedaha uu ka soo degay.
Hubkan lasoo bandhigay ayaa waxa ku jiray Droneskii Iiraan iyadoo Itoobiya ay xoojinayso eedaymaha Eritrea iyo Masar loo soo jeedinayo.
Gaadid hub badan saarna oo la gubay shalay ayaa lasoo bandhigay. Dagaalkan meelaha uu kuwii hore kaga duwan yahay ayaa ah bandhiga hubka tiro beelka ah.













