Friday, October 16, 2026

Xisbiga Kulmiye Oo Xukuumada Ciro ka Dalbaday Inay Cadeyso Sababta Musharaxa Somaliya Uga Hadlay Hargeysa.

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

WAR-SAXAAFADEED 16/10/2026

Xisbiga mucaaradka ah ee KULMIYE, waxa uu ayaan-darro u arkaa in qof sheeganaya in uu musharax ka yahay Soomaaliya uu si nabad u yimaado Jamhuuriyadda Somaliland si ku talogal ahna u bixiyo waraysi caasimadda Hargeysa gudaheeda.

Ka hor waraysiga ninkan musharaxa ah waxa jiray tuhunno iyo warar sheegayey in dad xilal ka haya Soomaaliya sida wasiirro iyo xildhibaanno ay soo galeen dalka iyada oo laga qariye bulshada.

Dhacdooyinkani waxa ay muujinayaan in wixii ka dambeeyay markii ay Xukuumadda Waddani la wareegtay talada dalka uu yimid nuglaasho dawladeed iyo isku furan siyaasadeed oo ka dhexeeya Jamhuuriyadda Somaliland iyo Soomaaliya oo laba dal oo kala madaxbannaan ah, taas oo khatar gelinaysa Qaranimada dalka iyo halgankii lagu xorreyay.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Md. Cabdiraxmaan Cirro markii uu shalay oo taariikhdu ahayd 15/10/2026 uu dalka dib ugu soo laabtay waxa uu ugu baaqay shacabka isaga oo saaraya masuuliyaddiisa inay ka shaqeeyaan nabadda iyo midnimada dalka, isagana loo daayo arrimaha aqoonsiga, taas oo ahayd arrin aan looga fadhiyin Madaxwaynaha.

Haseyeeshee, baaqaa waxa buriyay ninka Musharaxa Madaxweyne ka ah Soomaaliya ee lagu dhexwaraystay Hargeysa taasi oo muujinaysa inuu isku hallayn qabo. Sidaa darteed, su’aasha la iswaydiin karaa waxa weeye, ma Xukuumadda dalkii loo doortay ku soo daysay siyaasiyiinta iyo masuuliyiinta Soomaaliyadii aynu is haynay ayaa nabadgalyada iyo midnimada dhaawacaysa, mise shacabka doortay ee talada ku aaminay.

Ugu dambayn, Xisbiga KULMIYE, waxa uu ugu baaqayaa Xukuumadda Madaxweyne Cabdiraxmaan inay bulshada u caddayso sababta ay u caadaysteen ama u sahashay siyaasiyiinta Soomaaliya ee ka soo horjeeda madaxbannaanida Jamhuuriyadda Somaliland in ay dalka si fudud u soo galaan.

Faysal Cabdiraxmaan Madar
Xoghayaha Guud ee Xisbiga KULMIYE