Friday, October 16, 2026

Dowladda Itoobiya Oo Maamul cusub u Magacawday gobolka Tigrey

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Dowladda Itoobiya ayaa maamul ku-meel-gaar ah ka dhisaysa gobolka Tigray ee waqooyiga dalka, tallaabadan ayaa timid laba toddobaad kaddib markii ciidamada federaalku ay dib ula wareegeen caasimadda gobolka, Mekelle, isla markaana ay dib u riixeen ciidamada Eritrea oo muddo kooban galay qaybo ka mid ah Tigray.

Maamulka cusub ee ku-meel-gaarka ah ayaa loo xilsaaray soo celinta amniga, dib-u-dhiska kaabayaasha dhaqaalaha ee burburay iyo diyaarinta doorashooyinka gobolka.

Tigray wuxuu ahaa xudunta dagaal ba’an oo intii u dhaxaysay 2020 illaa 2022 dhexmaray ciidamada federaalka Itoobiya iyo dagaalyahannada Tigrayga.

Inkasta uu jiray muddo kooban oo ay Colaadda dhammaatay, kaidb heshiis nabadeed, balse khilaafaadka la xiriira awoodda siyaasadeed, hub-ka-dhigista iyo dib u soo celinta dadka barakacay weli lama xallin.

Muddada lixda bilood ah ee loo asteeyay maamulka cusub ayaa dhalisay su’aalo ku saabsan in geeddi-socodka doorashooyinka iyo xil-wareejinta siyaasadeed ay aqbali doonaan dadka Tigrayga.

Dhanka kale, xiisadaha sii kordhaya ee u dhexeeya Itoobiya iyo dalka deriska la ah ee Eritrea ayaa laga cabsi qabaa inay horseedi karaan in dagaallo hor leh ay ku fidaan xuduudaha dalalka, isla markaana ay ku lug yeeshaan dalal kale oo gobolka ku yaalla, taas oo sii xumayn karta xasillooni-darrada ka jirta Geeska Afrika.