Friday, October 16, 2026

Iran Oo Dib u Furista Marinka Hormuz Shuruud Adag ki Xirtay

by Heemaaln
2 minutes read
A+A-
Reset

Mohammad Akraminia, afhayeenka milatariga Iran, ayaa shardi uga dhigay furitaanka Marinka Hormuz in Mareykanku ka baxo gobolka, isaga oo ka digay in haddii ciidamada Mareykanku ay sii joogaan gobolka, laga saari doono.

Jimcihii, 14-ka Oktoobar, ayuu bartiisa bulshada ee X ku qoray: “Haddii Mareykanku ka baxo gobolka, Marinka Hormuz waa la furi doonaa, waxaa la dhisi doonaa amni wadajir ah oo ay ka qayb qaataan dalalka gobolka, dhaqaalaha adduunkuna wuu hagaagi doonaa. Xitaa haddii uusan bixin, annagaa ka saari doonna.”

Afhayeenka milatariga Iran ayaa sidoo kale, hadallo kale oo ay warbaahintu baahisay, Mareykanka ku eedeeyay inuu sabab u yahay amni-darrada ka jirta dhinaca bari ee Marinka Hormuz. Waxa uu milkiilayaasha maraakiibta ugu baaqay inay isticmaalaan marin ay ciidamada qalabka sida ee Iran u asteeyeen maraakiibta doonaya inay maraan marin-biyoodkan.

Waxa uu ku andacooday in maraakiibta isticmaasha marinkan ay ammaan ahaan doonaan.

Hadalladan ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan weerarrada lagu qaadayo maraakiibta ganacsiga ee ku sugan gudaha iyo hareeraha Marinka Hormuz, isla markaana uu si weyn hoos ugu dhacay isu socodka maraakiibta ee marin-biyoodkan muhiimka ah.

Dhammaadkii toddobaadkii hore, waxaa la diiwaangeliyay in Sabtidii ay marinka ka gudbeen shan markab oo xamuul ah oo keliya, halka aan wax markab ahi ka gudbin Axaddii. Tani waxay ka duwanayd 31-kii markab ee marinka ka gudbay dhammaadkii toddobaadkii ka horreeyay, sida ay muujinayaan xogta shirkadda Kepler ee la socota dhaqdhaqaaqa maraakiibta.

Dhanka kale, Mareykanku waxa uu sii wadaa go’doominta badda ee uu ku hayo dhoofinta shidaalka Iran. Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa sheegtay in dhoofinta saliidda cayriin ee Iran ee badda lagu qaado ay gaartay eber bishii Oktoobar, marka la eego xogtii la heli karay xilligii warbixinta la daabacay. Reuters ayaa soo xigatay shirkadda Vertexa oo bixisa xogta tamarta.

Tehran ayaa hore u shaacisay in dib u furista Marinka Hormuz ay ku xiran tahay in Iran ay fuliso shuruudaheeda ku aaddan soo afjaridda khilaafka kala dhexeeya Mareykanka. Mohammad Baqer Qalibaf, afhayeenka Golaha Wadatashiga Islaamiga ah ee Iran, ayaa sheegay in Marinka Hormuz aanu furmi doonin ilaa Iran ay fuliso toddobada shuruudood ee ku xusan is-afgaradkii Islamabad.

Marinka Hormuz waa mid ka mid ah marinnada ugu muhiimsan adduunka ee loo adeegsado gaadiidka tamarta. Ka hor intii aanu bilaaban dagaalkii Mareykanka iyo Israa’iil ay la galeen Iran bishii Febraayo ee sannadkan, qiyaastii shan meelood meel ka mid ah ganacsiga caalamiga ah ee saliidda iyo gaaska dabiiciga ah ee dareeraha laga dhigay (LNG) ayaa soo mari jiray marinkan.