Faaf-faahinta Wada-hadalo Dhex-maray Suuriya Iyo Israel Oo la soo Bandhigay

by Heemaaln
2 minutes read
A+A-
Reset

Wakaaladda wararka ee Reuters oo xiganaysa wakaaladda wararka Suuriya ee SANA ayaa soo bandhigtay faahfaahinta wadahadallo Suuriya iyo Israa’iil ay shalay ku yeesheen dalka Jordan.

Suuriya, waxay wadahadalladan u dirtay wafdi sare oo uu hoggaaminayay wasiirka arrimaha dibadda, isla markaana ay ku jireen madaxda sirdoonka guud iyo sirdoonka milatariga, iyadoo Maraykanku dhexdhexaadinayay labada dhinac.

Reuters, waxay werisay in wadahadalladan diiradda saareen dejinta xiisadda, joojinta duqeymaha, xarigga iyo beegsiga ay Israa’iil ka waddo Suuriya, iyo dib u bilaabidda wada-xaajoodyada lagu gaari karo heshiis amni oo suuragal ah.

Suuriya waxay carrabka ku adkaysay in heshiis kasta uu ixtiraamo madax-bannaanideeda, midnimadeeda dhuleed, xaqeeda ay u leedahay inay dib u dhisato ciidankeeda, iyo inay iyadu doorato xulafadeeda.

Dimishiq waxay mar kale xaqiijisay in Buuraleyda Golan ee la haysto ay yihiin dhul Suuriyaan ah, iyadoo sheegtay in mudnaanta degdegga ahi tahay in ciidamada Israa’iil ay dib ugu laabtaan khadadkii ay joogeen ka hor 8-dii December 2024, iyo in si buuxda loo dhaqan-geliyo heshiiskii kala-qaadista ciidamada ee 1974.

Dhinaca kale,wakaaladda wararka ee AFP ayaa sheegtay in wafdiga Israa’iil ee wadahadalka la yeeshay Suuriya uu hoggaaminayay madaxa hay’adda sirdoonka Israa’iil ee Mossad, Roman Gofman, iyadoo warbixinta AFP lagu sheegay qodobbada laga hadlay inay qayb ka ahayd dadaallada lagu dejinayo xiisadda u dhexeysa Israa’iil iyo Turkiga, iyo sidii looga hortagi lahaa in loollanka labada dal uu ku fido dhulka Suuriya.

Wadahadalkan waxaa ka dhasheen markii Israa’iil ay dib usoo celisay weerarrada ay ka fulinayso gudaha Suuriya, iyadoo Israa’iil ay Khamiistii toddobaadkii hore duqeymo ka fulisay saldhigga diyaaradaha Abu Duhur ee waqooyi-galbeed Idlib, markaa waxay ujeeddada weerarradan ku sheegtay Israa’iil in laga hortago in iskudayga Turkiga uu agab militari iyo ciidamo ku geynayo saldhigaas. Hase yeeshee, Suuriya iyo Turkiga labaduba way beeniyeen arrintaas, halka wasiirka arrimaha dibadda Suuriya, Asaad al-Shaibani uu u sheegay warbaahinta Axios in saraakiil militari oo Turki ah ay goobta booqdeen oo keliya iyadoo qayb ka ah tababar iyo iskaashi militari oo ballaaran. Hase yeeshee, wuxuu beeniyay in Turkigu halkaas ka dhisayo ciidan ama saldhig militari, isagoo sheegay in xaruntu inta badan ahayd mid madhan.