Turkiga ayaa sheegay in uusan haynin wax xog ah oo ku saabsan duqeyn ka dhacday xeebaha Puntland, halkaas oo lagu dilay dad kalluumaysato ah iy shakhsiyaad looga shakisan yahay in ay ka tirsanaayeen burcad badeedda Soomaalida.
Sarkaal ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda Turkiga oo la hadlay warbaahinta BBC Soomaaliya ayaa u sheegay in aysan wax xog ah ka hayn duqeymaha diyaarado dagaal ay ka fuliyeen xeebaha maamulka Puntland.
Puntland ayaa si adag u cambaareeysay duqeynta, iyadoo sheegtay in dilka dadka aan maxkamad la soo taagin uu ka hor imaanayo shuruucda caalamiga ah. Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta Puntland, Bile Maxamuud Qabowsade ayaa sheegay in haddii dadkaasi dambiileyaal yihiin ay jiraan habraacyo sharci ah oo loo maro.
Shalay ayay ahayd markii 9 qof lagu dilay duqayn ka dhacday degaanka Jiifle oo hoos yimaada degaanka Godobjiraan ee gobolka Nugaal.
Diyaarado dagaal oo lagu eedeeyay inay leeyihiin Turkiga ayaa maalmihii ugu dambeeyay duqayn ka waday goob lagu haysto Markab MV Latuf oo la sheegay inuu u raran yahay Turkiga.
Dadka ku nool degaanada duqayntan lagu garaacay ayaa cabsi awgeed uga cararay xeebaha, iyagoo ka baqaya in la bartilmaameedsado.
