6
Madaxweynaha Masar, Abdifataax Alsisi ayaa balanqaaday in Masar ay qaadi doonto talaabo kasta oo lagama maarmaan ah si ay u difaacdo Boqortooyada Sucuudiga, xili ay sii kordhayaan weerarada Xu/tiyiintu.
Madaxweynaha Masar oo ka hadlayay munaasibad qalinjabin ah oo ka dhacday akaademiyada milatariga ee Qaahira ayaa sheegay in Masar ay diyaar u tahay iney qaado talaabo si ay u ilaaliso Boqortooyada, iyadoo la raacayo awaamiirta Boqorka iyo Dhaxal sugaha Sucuudiga.
