Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO ayaa xoojisay diyaar-garowga iyo qorshayaasha ka hortagga cudurka Ebola, xilli colaado iyo barakac ay saameyn ku yeesheen malaayiin qof oo ku nool dalal ku yaalla qaybo ka mid ah Afrika, Aasiya iyo Yurub.
WHO ayaa sheegtay in gobolka Bariga Mediterranean-ka, oo ka kooban 22 dal iyo dhulal, ay si gaar ah taageero dheeraad ah u siinayso Soomaaliya, Jabuuti iyo Suudaan, kuwaas oo loo aqoonsaday dalalka mudnaanta leh.
Tallaabadan ayaa timid kaddib markii dalka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo (DRC) iyo Uganda ay ka dilaaceen cudurka Ebola oo uu sababay nooca Bundibugyo virus, halka Kenya laga xaqiijiyay kiis Ebola ah oo lala xiriiriyay DRC.
Inkasta oo aan ilaa hadda wax kiis Ebola ah laga diiwaangelin dalalka gobolka Bariga Mediterranean-ka, WHO ayaa sheegtay in colaadaha, barakaca iyo nidaamyada caafimaad ee culayska saaran ay caqabad ku yihiin diyaar-garowga iyo awoodda wax looga qaban karo xaalad degdeg ah haddii cudurku soo gaaro gobolka.
Agaasimaha Guud ee WHO, Tedros Adhanom Ghebreyesus, ayaa horraantii toddobaadkan gobolka ku tilmaamay “xudunta baahida bani’aadamnimo ee caalamka”, iyadoo in ka badan 117 milyan oo qof oo ku nool dhulalka Falastiin, Suudaan, Suuriya, Yemen iyo meelo kale ay u baahan yihiin gargaar bani’aadamnimo.
WHO waxay sheegtay in dadaallada hadda socda ay diiradda saarayaan qiimeynta heerka diyaar-garowga, ogaanshaha caqabadaha jira iyo xoojinta awoodda dalalka si ay si degdeg ah uga jawaabaan haddii uu cudurka Ebola ka dillaaco.
