Saturday, October 17, 2026

Madaxweyne Al-sisi Oo Wacad ku Maray Inay Masar Difaaci-doonto Boqortooyada Sacuudiga

by Heemaaln
0 minutes read
A+A-
Reset

Madaxweynaha Masar, Abdifataax Alsisi ayaa balanqaaday in Masar ay qaadi doonto talaabo kasta oo lagama maarmaan ah si ay u difaacdo Boqortooyada Sucuudiga, xili ay sii kordhayaan weerarada Xu/tiyiintu.

Madaxweynaha Masar oo ka hadlayay munaasibad qalinjabin ah oo ka dhacday akaademiyada milatariga ee Qaahira ayaa sheegay in Masar ay diyaar u tahay iney qaado talaabo si ay u ilaaliso Boqortooyada, iyadoo la raacayo awaamiirta Boqorka iyo Dhaxal sugaha Sucuudiga.