Taliyaha Ciidanka Kenya ee aagga Bariga, Sarreeye Guuto Luka Kutto, ayaa booqasho ku tagay ciidamada Kenya ee ku sugan magaalada Kismaayo ee koonfurta Soomaaliya, kuwaas oo qayb ka ah howlgalka Midowga Afrika ee Taageerada iyo Xasilinta Soomaaliya (AUSSOM).
Sida ay sheegtay Wasaaradda Gaashaandhigga Kenya, booqashada ayaa diiradda lagu saaray qiimeynta heeganka iyo diyaar-garowga hawlgal ee ciidamada, xaaladda amni ee goobaha ay ka howlgalaan iyo daryeelka askarta ku sugan Soomaaliya.
Markii uu gaaray Kismaayo, Sarreeye Guuto Kutto waxaa halkaasi ku soo dhaweeyay Gaashaanle Sare Daniel Musau, ku-xigeenka Taliyaha Qaybta Labaad ee howlgalka AUSSOM. Waxa uu sidoo kale warbixinno ka dhageystay saraakiisha ciidamada oo la wadaagay xaaladda hawlgallada iyo caqabadaha haysta ciidamada Kenya ee Soomaaliya ka howlgala.
Taliyaha ayaa ciidamada ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay feejignaanta, anshaxa iyo xirfadda milatari, si ay si hufan u gutaan waajibaadka loo igmaday.
Booqashadan ayaa timid laba maalmood kadib markii Kenya ay 14-kii Oktoobar xustay Maalinta Ciidanka Difaaca, oo lagu maamuuso askarta ku geeriyootay hawlgallada milatari, halyeeyadii hore iyo ciidamada weli u adeegaya dalka.
Magaalada Kismaayo ayaa xarun u ah Qaybta Labaad ee howlgalka AUSSOM, halkaas oo ciidamada Kenya ay ka qayb qaataan dadaallada lagu xoojinayo amniga iyo xasilloonida Soomaaliya.
