Iran ayaa la filayaa inay toddobaadyada soo socda hesho shixnaddii ugu horreysay oo ka kooban 300 ilaa 400 oo gantaallada difaaca cirka ee garabka laga rido (MANPADS), kuwaas oo lagu sameeyay Shiinaha. Heshiiska, oo lagu qiyaasay $60 ilaa $70 milyan, ayaa la sheegay inuu ka kooban yahay gantaallada noocyada QW-12 iyo FN-16.
Sida ay Reuters u sheegeen ilo xog-ogaal ah, Tehran waxay dardargelinaysaa dib u dhiska awooddeeda difaaca cirka, kaddib dagaalkii ay la gashay Mareykanka iyo Israel, kaas oo bannaanka soo dhigay daldaloolo ka jiray nidaamyadeeda difaaca iyo amniga xarumaha militariga.
Haddii heshiiskan la fuliyo, gantaalladan ayaa si weyn u xoojin kara awoodda Iran ee ka hortagga diyaaradaha joog hoose ku duula, helikobtarrada iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, iyadoo la xoojinayo difaaca xarumaha militariga iyo kaabayaasha muhiimka ah.
Dhanka kale, dowladda Shiinaha ayaa si cad u beenisay warbixinta, iyadoo sheegtay inaysan jirin heshiis noocaas ah, halka Pakistan ay sidoo kale beenisay wararka sheegaya in dhulkeeda loo adeegsan doono gudbinta hubkan. Ilo-wareedyadu waxay xuseen in inkasta oo heshiiska la sheegay in la saxiixay, haddana jadwalka keenista iyo tirada ugu dambeysa ee gantaallada ay weli isbeddeli karaan.
