Saturday, October 17, 2026

R/Wasaare Xamze Oo Xulka Somaliya Ee U-17 ku Hanbalyeeyay Guusha ay ka Geereen Ciyaartii Rwanda.

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre, ayaa hambalyo iyo bogaadin u diray Xulka Qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka yar tahay 17 jirka, kaddib guushii taariikhiga ahayd ee ay ka gaadheen dhiggooda Rwanda, taas oo ay ugu gudbeen tartanka kama-dambaysta ah ee CECAFA U-17 ee 2026.

Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu sheegay in guushani muujinayso kartida, dadaalka iyo mustaqbalka ifaya ee dhallinyarada Soomaaliyeed.

Waxa uu hambalyo gaar ah u diray ciyaartoyda, macallimiinta iyo dhammaan bahda kubadda cagta Soomaaliyeed, isaga oo xulka u rajeeyay guulo kale oo isdaba-joog ah, si ay magaca Soomaaliya iyo calanka qaranka ugu matalaan sida ugu wanaagsan.

Hambalyo geesiyaasha qaranka! Soomaaliya ha guulaysato!