Monday, October 19, 2026

Wasiirka Gaashaandhigga Sacuudiga Oo Booqasho ku Jooga Imaaaraadka Kulama-na la Yeeshay

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Wasiirka Gaashaandhigga Sacuudiga, Amiir Khalid bin Salman, oo ah walaalka ka yar Dhaxal-sugaha Boqortooyada, Maxamed bin Salman, isla markaana ka mid ah dadka ugu dhow, ayaa booqasho ku tagay Imaaraadka Carabta.

Wasiirka ayaa Tan iyo shalay kulamo la lahaa hoggaanka sare ee Abu Dhabi, oo uu ka mid yahay Madaxweynaha Imaaraadka, Sheekh Maxamed bin Zaa’id Al Nahyan.

Wakaaladda wararka Sacuudiga ee SPA ayaa sheegtay in kulamadu diiradda saareen xiriirka taariikhiga ah ee labada dal, xaaladaha gobolka iyo sidii loo xoojin lahaa iskaashiga iyo wadajirka dalalka Khaliijka.

Weerarrada uu u caal la’yahay Sacuudiga ee uga imaanaya Xuutiyiinta ayaa ku qasbay Sacuudiga inuu dib u hagaajiyo xiriirka Imaaraadka Carabta.