Monday, October 19, 2026

Wararkii ugu Dambeeyay Dagaalka ka Socda Waqooyiga Itoobiya.

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Waxaan si kooban idiinla wadaagaynaa wararka iyo goobaha la kala qabsaday maanta.

1. Ciidamada TPLF oo la wareegay magaalada Nirak

Ciidamada TPLF ayaa sheegay inay la waregeen magaalada Nirak, oo ah xarunta degmada Abergele ee gobolka Wag-Hemra, deegaanka Axmaarada.

Ciidamada Tigray ee qabsaday magaalada ayaa sii gudbay, iyagoo u dhaqaaqay dhanka koonfureed ee gobolka Axmaarada.

Magaalada Nirak waxay u dhowdahay xuduudda gobolka Tigray, gaar ahaan dhinaca koonfureed.

2. Militariga Itoobiya oo sheegay inay hareereeyeen ciidamo TPLF ah

Ciidamada militariga Itoobiya ayaa sheegay inay hareereeyeen ciidamo badan oo ka tirsan TPLF, kuwaas oo ku sugan deegaanka Nader Adet ee aagga Tembien.

Milatarigu waxay shegeen inay wakhti u qabteen Ciidamadaas si ay isku soo dhibaan.

3. Ciidamada TPLF oo sheegay inay la wareegeen deegaanno u dhexeeya Shire iyo Aksum

Ciidamada TPLF ayaa sheegay inay la wareegeen deegaanno ku yaalla inta u dhexaysa magaalooyinka Shire iyo Aksum, iyagoo sheegay inay sii ballaarinayaan Goobaha ay gacanta ku hayaan.

4. Militariga Itoobiya oo duqaymo ka fuliyay aagga Tembien

Ciidamada militariga Itoobiya ayaa duqaymo badan ka fuliyay aagga Tembien, iyagoo sheegay inay beegsadeen fariisimo ay ku sugnaayeen ciidamada TPLF.

5. Jabhadda GPDM ee Benishangul-Gumuz oo sheegtay inay weerarro billowday

Jabhadda GPDM ee gobolka Benishangul-Gumuz, oo ka mid ah isbahaysiga ay hoggaaminayso TPLF, ayaa sheegtay inay billowday weerarro.

Waxay sheegtay inay weerarro ka fulisay aagga Metekel, gaar ahaan degmada Dangur, halkaas oo ay kula dagaallamayso ciidamada dowladda Itoobiya.