Dawladda Ingiriiska ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday in ay guda gashay daabulka diyaarado dagaal oo ay geynayso dalka Sucuudiga kuwaas oo loogu tala galay in ay Sucuudiga ka difaacan weerarada kaga imanaya kooxda ka talisa qaybo ka mid ah dalka Yemen ee Xuutiyiinta.
Wasiirka Gaashaandhiga ee dalka Ingiriiska ayaa sheegay in diyaaradahan ay u dirayaan dalka Sucuudiga sidii loo difaaci lahaa balse aan loogu tala gelin ay weeraaro ka geystaan gudaha dalka Yemen.
Waddamo badan oo ay ka mid yihiin Turkiga iyo Pakistan ayaa ciidamo iyo diyaarado u soo diray dalka Sucuudiga oo wajahaya weeraro joogto ah oo kaga imanaya kooxda Xuutiyiinta oo dagaalad adag waddanka kula jirtay labadii bilood ee la soo dhaafay.
