Wednesday, October 21, 2026

Ukraine oo Sheegtay in aan la Qaban Karin Diyaaradaha isqarxiya ee Ruushka

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Ruushka ayaa awood u yeeshay in ay fuliyaan weerarro fogfog oo lagu beegsanayo bartilmaameedyo ku yaalla Kyiv.

Mid ka mid ah tiknoolajiyada muhiimka ah ee arrintan u fududeyneysa ayaa lagu sheegay mesh networking, oo ah nidaam u oggolaanaya diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo qalabka kale ee isgaarsiinta inay farriimaha iyo xogta isu gudbiyaan ka hor inta aysan qarxin Diyaarada drone ta ah.

Nidaamkan wuxuu kordhiyaa masaafada uu diyaaradda ka maamuli karo hawl-wadeenku, wuxuuna u oggolaanayaa inuu si toos ah u daawado muuqaalka kamaradda diyaaradda, isla markaana uu beddelo jihada duulimaadka iyadoo weerarku socdo taa oo wax badan ka badashay awooda Dagaalka

Sida laga soo xigtay ilo ka tirsan Wasaaradda Difaaca Ukraine, diyaaradaha Ruushka ayaa hadda u shaqaynaya si la mid ah diyaaradaha FPV, taas oo ka dhigaysa kuwo la hagi karo taa oo sahleysa inay ka dhuumato nidaamyada dagaalka elektaroonigga ah (EW)