Maamulka Mareykanka ee Donald Trump ayaa sheegay inuu baabi’iyay in ka badan 300,000 oo fiise ama dal-kugal ah tan iyo markii uu xilka madaxweynaha mar labaad la wareegay.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa Talaadadii sheegtay in tirada fiisooyinka lala laabtay kor u dhaaftay 300,000, iyadoo dowladda federaalku ay sii waddo adkeynta tallaabooyinka ka dhanka ah dadka soo-galootiga ah.
Tiradan ayaa muujinaysa in xawaaraha lagu baabi’inayo ama lagu diidayo fiisooyinka uu si weyn u kordhay toddobaadyadii u dambeeyay.
“Waxaan baabi’inay in ka badan 300,000 oo fiise, tiraduna weli way sii kordhaysaa. Farriintayada ku socota dadka haysta fiisooyinka waa mid cad: u hoggaansama shuruucdayada, haddii kale waxaad lumin doontaan xaqa aad ugu safri kartaan Mareykanka,” ayay Moora Namdar, oo ah ku-xigeenka wasiirka arrimaha dibadda Mareykanka u qaabilsan arrimaha qunsuliyadaha, ku qortay barta X.
Waxay intaas ku dartay in ilaalinta dalka iyo shacabka Mareykanku ay weli tahay mudnaanta koowaad ee madaxweyne Trump iyo xoghayaha arrimaha dibadda Marco Rubio. See les
