Ciidanka maleeshiyaadka Oromada oo ku hawlan qorshahooda dhul balaadhsiga ayaa shalay isku dayey inay Mooyaale ka dajiyaan Calanka Soomaalida kadib ay sudhaan Calanka deegaanka Oromada.
Shacabka Soomaalida ee Dagmada Mooyaale oo arrintaas aad uga cadhooday adaa dagaal xooggan la galay Ciidankii Oromada halkaas oo ay dib iskaga Caabiyeen.
Kadib saaka subaxnimadii Maleeshiyaadka Oromada oo si weyn isku soo abaabulay ayaa gubay Tuulooyinka Jaamuq iyo Malab oo hoos yimaadda dagmada Mooyaale kadib halkaa waxaa ka qarxay dagaal xooggan waxaana dib loo riixay Ciidanka Oromada.



