4
Ciidamo kasoo jeeda Beesha Reer Saalax “Warsangali” ayaa weerar ku qaaday Saldhiga dhexe ee Magaalada Boosaso Kadib markii Ciidamada Puntland hub sharci daro ay ku sheegeen ka qaadeen Ganacsato lagu Magaacabo Shamis.
Ganacsato Shamis ayaa ka Ganacsata hubka, waxayna Ciidamada Puntland maanta bakhaar kayd ah u ahaa ay jabsadeen, islamarkaana hubkii yaalay u qaatay Saldhiga dhexe ee Boosaso.
Ciidan beeleedka beesha Reer Saalax ayaa ka carooday falkaas iyagoona Go’odoon galiyay Saldhiga dhexe ee Magaalada Boosaso.
