Thursday, October 22, 2026

Somaliya oo 70 Adeeg oo Dowladeed ku Mideynaysa Hal-madal Dijitaal ah Sanadka 2027

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Dowladda Soomaaliya ayaa qorshaynaysa inay dhammaadka Maarso 2027 hirgeliso madal dijitaal ah oo lagu mideynayo ku dhowaad 70 adeeg oo dowladeed, iyadoo kaarka aqoonsiga qaranka laga dhigayo shuruudda lagu heli karo adeegyadaas.

Nidaamkan ayaa ujeeddadiisu tahay in muwaadiniintu hal meel ka codsan karaan adeegyo ay ka mid yihiin baasaboorrada, aqoonsiga qaranka, diiwaangelinta ganacsiyada, ruqsadaha darawalnimada iyo shahaadooyinka waxbarashada, halkii ay xarumo kala duwan ugu safri lahaayeen.

Agaasimaha guud ee Xarunta Mideynta Adeegyada Dowladda ee Halmeel, Maxamed Dubo, ayaa warbaahinta Biometric Update u sheegay in madashu isku xiri doonto wasaaradaha iyo hay’adaha dowladda, iyadoo muwaadiniintu ay awoodi doonaan inay gudbiyaan codsiyada, la socdaan halka ay marayaan, isla markaana lacagaha adeegyada ku bixiyaan hal nidaam.

Dubo ayaa sheegay in hay’adaha dowladda ay sii haysan doonaan nidaamyadooda shaqo iyo waajibaadkooda, balse adeegyada ay bixiyaan lagu xiri doono madasha Halmeel si loo fududeeyo helitaankooda loona kordhiyo hufnaanta shaqada dowladda.

Kaarka aqoonsiga qaranka ayaa noqon doona dukumentiga keliya ee laga aqbalayo xarumaha Halmeel, sida uu sheegay Dubo, taas oo ka dhigan in dadka aan haysan aqoonsiga ay marka hore iska diiwaangelin doonaan Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka (NIRA).

NIRA ayaa diiwaangelisay ku dhowaad laba milyan oo qof, iyadoo dowladda Soomaaliya ay hiigsanayso in tirada dadka haysta aqoonsiga qaranka la gaarsiiyo 15 milyan marka la gaaro 2029.

Halmeel ayaa hadda adeegyada ka bilowday xarun ku taalla Muqdisho, waxaana qorshuhu yahay in laba xarumood oo kale la furo bilaha soo socda, ka hor inta aan adeegyada loo ballaarin gobollada dalka.

Dowladda Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegty in ay iskaashi kala samaynaysa Itoobiya iyo Kenya, si ay uga faa’iidaysato waayo-aragnimadooda ku aaddan mideynta adeegyada dowladda, iyadoo la tixraacayo nidaamyada MESOB ee Itoobiya iyo eCitizen ee Kenya.