Friday, October 23, 2026

Dhisme Fooq ah Oo ku Yaala Nairoobi Oo Burburay iyo Khasaaraha ka dhashay

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Waxaa hadda soo baxaya warar sheegaya in gudaha burburka dabaqa maanta ku dumay Nairobi ay ku jiraan ilaa 10 qof, kuwaas oo ay socdaan dadaallo lagu soo badbaadinayo.

Mid ka mid ah dadka ku xanniban burburka hoostiisa oo codkiisa la maqlay ayaa sheegay in culeys xooggan uu saaran yahay. Dadka ku jira burburka ayaa codsaday in dhagxaanta iyo burburka si taxaddar leh looga qaado, si loogu suurtageliyo in si nabad ah loo soo badbaadiyo.

Dhanka kale, laamaha ammaanka ayaa dadka ka Celinaya goobah ku dhow dhismaha dumay, iyaga oo dadka ka fogeynaya halka ay ka socdaan hawlgallada gurmadka.

Ilaa hadda, ma jiro war rasmi ah oo xaqiijinaya dhimasho, inkastoo la soo sheegayo dhaawacyo culus.

Dadaallada lagu soo badbaadinayo dadka ku xanniban burburka ayaa weli socda